Qaar ka mida dadka rayidka ah ku nool deegaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya, ayaa billaabay inay halkaas ka guuraan iyagoo degaya xaafado yar yar si ay amaan ugu helaan.
Arrintan ayaa timid maalin ka dib markii  Al-Shabaab ay weerareen xero milatari oo ay degen yihiin Mareykanku iyo ciidamada argagixisada la dagaalma ee Kenya waxaana ahlkaas lagu diley 3 ka mida milatariga Mareykanka.
Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan deegaanada Lamuu iyo guud ahaanba dalka Kenya,iayada oo Kenya ay sheegtay in ay ka hortagayso weerarada Alshabaab.