Inkastoo ay Dadka Soomaalida muddo rubuc qarni ku soo nolol qaateen colaado, Fowdo Siyaasadeed iyo Macluul Daran ayaa waxay haddana ka mid yihiin Dadka ugu Dulqaadka badan, uguna farxada badan  Caalamka.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay QM ka diyaarisay Farxadda Caalamka (The latest UN World Happiness Report) ayaa shalay lagu soo bandhigay Heerka Farxadaeed ee Dadyowga ku nool ilaa 155 Waddan.
Caalami ahaan, Dadka Reer Norway ayaa galay Kaalinta Koowaad, waxaana ku xiga dadka u dhashay dalalka Denmark iyo Iceland.
Warbixinta waxay Qiimeynta Qaaradda Afrika ku muujisay inay dadka Reer Algeria yihiin kuwa ugu faarxadda badan 34-Waddan ee Qaaradda Afrika.
Waxaa Kaalinta 2-aad gashay Jesiiradda Mauritius, halka Kaalinta 3-aad ay galeen dadka Reer Libya ee Dagaalka wehelka u ah.
La-yaabka Warbixinta ayaa lagu tilmaamay in Dadka Soomaalida kaalinta 5-aad Dadyowga ugu farxadda badan Qaaradda Afrika, iyadoo la og yahay inay dadka Soomaalida weli ku nolol qaataan colaado, qaraxyo, shaqo la’aan, Deganaansho La’aan  iyo Mustaqbal-xumo oo ay u sii dheer tahay Abaar iyo Macluul Daran.
Kaalimaha 6-aad iyo 7-aad ee Qiimaynta Farxadda Dadyowga Caalamka, gaar ahaan Dadka Afrikaanka waxaa kalagalay dalalka Nigeria iyo South Afrika.
Dadka Reer Kenya waxay qiimeynta Farxadda Dadka Afrika ka galeen Kaalinta 13-aad waxayna ka siihooseysaa dalka Namibia.
10-ka Waddan ee Qaaradda Afrika ee kaalimaha ugu hooseeya ka galay Warbixintaasi ayaa kala ah:-Benin, Madagascar, South Sudan, Liberia, Gini, Togo, Rwanda, Tanzania, Burundi, iyadoo dalka Afrikada Dhexe noqday kan ugu xun Qiimeynta Farxadda Dadka Afrikaanka.
Ugu dambeyntii Warbixinta ayaa lagu xusay in Dhibaatooyinka ugu muhiimsan ee soo wajahayo dadka Afrikaanka kala yihiin Shaqo La’aanta, Heerka Saboolnimadda, Cunto-yarida/Macluusha, Dembiyadda iyo Musuqa.Â
©Radio Dalsan