Dadka deegaanka ayaa Alshabaab kula dagaalamay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool, waxana dagaalkaas dhacay ka dib dadka xoola dhaqatada ah ay sheegeen in laga kixaystay xoolahoodii.
Dadka Deegaanka ee Is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey Alshabaab, iyaga oo markii dambe dib uga soo ceshaday xoolihii ay ka qaateen.
Ugaas Cali dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Shabaab waxaana uu tilmaamay in ay sii wedayaan dagaalkooda.
Shacabkaan labaxay Cali Qaran oo la dagaalamaya Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in dhibaatooyin badan loo gaystay isla markaana ay dul qaadan waayeen sidaasna ay dagaalka ku galeen.