Afar Eedeysane oo ay middi haweeney tahay ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Cardiff ee dalkaasi, kwuaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Fahad Maxamed Nuur, kaasi oo bishan 2-dii lagu dooxay meel ku dhow Boosteejada Tareenadda laga raaco ee Cathays.
Eedeysanayaasha loo haysto dilka Marxuumka waxaa lagu kala magacaabaa: Cabdul-jaliil Aldobhani oo 22-jir ah, Shafiiq Shadaad oo 24-jir ah, Mustafa Aldobhani oo 21-jir ah iyo haweeney lagu magacaabo Asiil Arar oo 34-jir ah.
Hadal ka soo baxay boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay haatan raadinayaan qalabkii loo adeegsaday Marxuumka Soomaaliga ee Fahad Mxaamed Nuur.
Dacwad-baaraha Guud ee Mark O’Sheea waxa uu sheegay inay rumeysan yihiin in Mindi ama labo mindi ay suurtogal tahay in loo adeegsaday dilkiisa, waxayna dadka ka codsadeen inay gacan ka siiyaan baaritaankaasi.
Boliska waxay kaloo sheegeen inaysan haatan baadi-goobaynin qof kale oo ku lug leh dilka Marxuumka, balse ay weli baarayaan hubka iyo dharka ay Eedeysanayaasha labisnaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, Garsooraha Maxkamadda waxa uu amray in afarta Eedeysane xabsiga lagu hayo, iyadoo dib loo dhigay dhegeysiga dacwadda loo hasyto Eedeysanayaasha.
Ma aha markii ugu horreysay oo Muwaadin Soomaali ah lagu dilo gudaha dalka Britain, iyadoo ay Waalidiin badan ubadkooda u soo dhoofiyeen Somalia, si ay uga badbaadaan dilalka Tooreeyda oo ku soo banadanaysa qeybo ka mid ah dalakaasi.