Qoraal ay soo saareen taliska booliska ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddii ay ku cadaato falkaasi.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska  Booliska
Shalay 07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Koofur
Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 caruur ah oo deganaa
Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo, caruurtaas oo lagu kala
magacaabi jiray :-
1- Cabdimuni Sheikh Aweys Cabdulahi &
2- Aamina Sheik Aweys Cabdulahi.
Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo
diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo.
Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka
caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee
Magaalada Baydhaba.
Haddaba, waxaa socota baaris qoto-dheer oo ay wadaan Ciidanka
Boliisku, iyadoo dad lagu tuhmay loosoo xiray arrintaan, walow ay
baaristu weli socoto, Cidii ay ku cadaatana Garsoorka awooda u leh
lawaafajin doono.
Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheik Cabdulahi
falkaas foosha xun iyo geerida ku timid caruurtiisa, waxaana ilaahay uga
rajeynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal
qeyr qabana siiyo.
Dhamaad.