Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa howlgalo saacado badan qaatay ka sameeyay gudaha Magaalada, iyagoona kusoo qabtay dad dhowr ah.
Ciidamada Nabadsugida Balad-xaawo ayaa inta uu socday howlgalka baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka saarnaa, isla markaana dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dhanka amniga.
Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgalka ku qabtay dad u badan dhalinyro ah oo looga shakiyay inay wadeen falal amni darro, kuwaasi oo la isugu geeyay goob barxad ah, kadibna qaar kamid ah lasii daayay, halka kuwo kalena weli Ciidamada ay ku wadaan baaritaano.
Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka degmada Balad-xaawo Cabduqaadir Xuseen Ibraahim oo markii uu soo dhamaaday howlgalka warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.
Sidoo kale Taliye Cabduqaadir Xuseen ayaa shacabka kunool degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ka dalbaday inay la shaqeeyan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo qal-qal gelin kara amniga ka jira halkaas.
Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana bishii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo kamid ahaa Askartii halkaas la geeyay.