Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Ethiopia, halka Tobaneeyo kalena lagu xiray magaalladda Addis Abeba.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera in 4 qof lagu dilay Gobalka Gondar ee Waqooyiga Ethiopia, iyadoo 2 kalena lagu dilay Jimcihii lagu dilay isla Deegaanka oo 700 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Addis Abeba.
Maamulayaasha Ethiopia weli ma xaqiijinin tirada dadka Amxaarada ee lagu dilay Gondar.
Dhinaca kale, Ugu yaraan 500 oo qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromo ayaa dibadbax ka dhigay Fagaaraha weyn ee Meskel oo ku yaalla magaalladda Addis Abeba, iyagoo watay Boorar ay ku qoran yihiin “Waxaan doonaynaa Xorriyadeenna iyo Ha la sii daayo Maxaabiista u xiran Siyaasaddaâ€
Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Dessalegn ayaa Jimcihii mamnuucay Dibadbaxyadda, isagoo dhrrgsy inay Khatar ku yihiin Midnimadda Qaranka Ethiopia.
Xigasho: Aljazeera
©Radio Dalsan