Dilka dadka oo gaaraya laba ruux iyo dhaawaca laba kale  ayaa la sheegay inuu daba socdo dagaal dad badani ku dhinteen oo Saacadihii la soo dhaafay  ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaanada Dhumay iyo Dharkeyn-geenyo oo ku yaalla koonfur galbeed ee magaalada laascaanood .
Gudoomiyaha gobolka sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle, ayaa sheegay in tirada dadka kaga dhintay labada beelood dagaalkaasi ilaa shalay ay haatan tahay labaatan qof , iyo dhaawac dad kale oo badan .
Xiisada iyo dagaalka dhex maray labada beelood ayaa ah mid soo laab laabtay,waxaana horay u jirtay in heshiis laga garay balse mar kale uu soo laba kacleeyey.
Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa markii halkaasi uu dagaalka ka bilaawday la geeyey,tas oo sababtay in dagaalka uu hakad galo balse ay jiraan dilal aanooyin qabiil ah oo si kala gooni gooni ah la isugu geysanayo.