Waxaa weli rasaas laga maqlayaa gudaha Hotelka SYL ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo Caawa weerar ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo gaaraya ilaa iyo shan ruux.
Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada ayaa gudaha hotelka ku dagaalamaya ragii weerar soo qaaday, waxaana halkaas ka jira xaalada cakiran sida ay sheegayaan dad goobta ka Agdhaw.
Sidoo kale gudaha hotelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyay dad badan oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, kuwaasi oo xiliga uu weerarka dhacayay ku sugnaa halkaas.
Dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ku jira Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo la sheegay inuu weerarka dhaawac kasoo gaaray iyo Xildhibaan Axmed Dhagaweyne.
Waxaa kaloo kamid ah dadka hotelka laga soo badbaadiyay Xildhibaan Jaamac iyo Cabduqaadir Cali Cumar oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran marna soo noqday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladdii KMG aheyd iyo dad kale oo shacab ahaa.
Al-shabaab ayaa War kasoo saartay weerarka Caawa ka socda Hotel SYL ee ku yaalla agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya, iyagoona sheegay in dagaalyahano ka tirsan ay ka dhex dagaalamayan hotelka.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan weerarka Caawa ka socda Hotel SYL.