Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay Khasaaro kala duwan.
Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo mid Bus ahaa, halka kan kalena uu yahay gaari nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha ama Carro-gediska, xili ay marayeen kaaramardha oo ku taalla duleedka Jigjiga.
Saraakiil ka tirsan dowlad deegaanka ayaa sheegay in shilkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa labada gaari, waxaana shilka ku dhintay 9 qof oo la socday gaariga Bus-ka ahaa.
Sidoo kale waxaa shilkaas dhaawacmay 8 qof kalena, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Jigjiga, isla markaana waxaa dadkaa gurmad xoogan Mas’uuliyiin kamid ah DDS oo goobta tegay.
Gaariga Bus-ka ahaa oo siday rakaab farabadan ayaa la sheegay inuu ka baxay Magaalada Jigjiga, kusna sii jeeday deegaan lagu magacaabo Harar, waxaana ku dhacay gaariga Iska rogaha ahaa oo ku socday xawaare sare.
Mudo bil ka hor ah ayay ahayd markii shil gaari oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu sidaan oo kale uga dhacay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.