2 qof ayaa geeriyootay, 6 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay isku dhaceen Tareen iyo Bas oo marayey meel ku dhow Degmadda Helwaan ee Koonfurta Caasimadda dalkaasi ee Qaahira.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi waxa uu sheegay inay dadka geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay lag daaweynayo  Isbitaalka Guud ee Helwan iyo Isbitaalka kale ee Al-Nasar
Hay’adda Qaranka ee Tareenada dalka Masar waxay xaqiiiyeen in Tareen nooca Xamuulka uu ku dhacay 2 Bas oo taagnaa meel ku dhow Dhabaha ay Tareenadu maraan ee duleedka Degmadda Helwan.
Dhinaca kale,  Warbaahinada Gudaha  ee dalkaasi waxay soo tebiyeen inay 4 qof ku geeriyootay Shilkaasi, halka ay 24 kalena ku dhaawacmeen.