Ugu yaraan 8 qof ayaa lagu dilay qaraxyadaasi oo ka dhacay magaalladda Maydiguri ee W/bari ee dalkaasi.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi ayaa sheegtay in 5 Is-qarxiyayaal weerareen dhowr goobood oo ku yaalla Jidka weyn ee isku xira Mayduguri iyo Gamboru.
Mid ka mid ah qaraxyadaasi ayaa lala beegsaday Xero ay ku jireen dad ka soo barakacay dagaalka Kooxda Boko Haram, iyadoo 2 qof lagu dilay eradaasi.
Dhamaan 5-tii Is-qarxiye wey geeriyootay, waxaana weeeraradaasi lagu dhaawacay 20 qof oo rayid ahaa.
Tan iyo markii ay Boko Haram bilaabeen dagaalka 8 sanno ka hor waxaa lagu dilay ku-dhawaad 15,000 oo qof, iyadoo in ka badan 2 million oo qof ku barakaceen.
©Radio Dalsan