Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ku geeriyoodeen 7 ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka, iyagoo qaarkoodna u dhintay Oxygen la’aan.
In ka badan 50 ruux ayaa la dhigay Isbitaalka weyn eee Cadaado, kuwaasi oo la sheegay in looga shakisan yahay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kadib markii dadkaas qaarkood lagu arkay Calaamadaha Cudurka.
Dad ku sugan Cadaado ayaa soo sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay dad farabadan ay ku geeriyoodeen halkaas, hayeeshee labadii maalin ee ugu dambeysay ay dhimashada korortay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Isbitaalka Cadaado uusan owlin qalabka lagu baaro Cudurka COVID-19, isla markaana xitaa uusan laheyn qalabka Ogsijiinka ah ee dadka lagu xiro xiliyada ay Neefta ku dhegto.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo ay uga hadlayaan dadka badan ee la geeyay Isbitaalka Magaaladaas, kuwaasi oo qaarkood lagu arkay Astaamaha Cudurka COVID-19.