Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyooday, halka 4 kalena dhaawacyo Culus ayaa soo gaaray, kadib markii saakay shil gaari uu ka dhacay degmo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Shilkaas ayaa yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha ama Carro gediska uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare sare, isla markaana marayay duleedka degmada Ceel-kari ee Gobalka Af-dheer ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa soo weriyay in gaariga markii hore uu ka dhacay Haadka, uuna ku socday xawaare, kadibna gaariga uu kasoo dhacay buur-dheer, waxaana waxyeelo kala duwaan kasoo gaartay 7 ruux oo la socday.
Sidoo kale dadka deegaanka degmada Ceel-kari ayaa gurmad Deg-deg ah u sameeyay dadkii dhaawcyada soo gaareen, isla markaana waxaa loola cararay Xarumo Caafimaad, si loo dabiibo.
Deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay shilal kala duwan oo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana shilalkaas ay ku dhasheen siyaabo kala duwan.