Inta la xaqiijiyay 2-qof ayaa ku dhinta shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Hareysa,iyada oo ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay shilkaas.
Shilkaan ayaa la shegay in uu sabab u ahaa wadada uu ka dhacay oo aad u bur-bursan,iyada oo ay adkaanayso in wadayaasha gaadiidku ay xakameeyaan iyo xirfadda Darawalada qaarkood oo iyana la sheego in ay sabab u yihiin shilalka.
Wasaaradda gaadiidka Soomaaliland oo todobaadkaan soo bandhigtay shilalaka gaadiidka ee dhacay 2019 iyo 2020 ayaa sheegtay in ay kordheen tirade shilalka dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.
Deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa mararka qeybtood waxaa ka dhacda shilal geysta khasaaro badan gaar ahaana kuwa gaadiidka kuwaas oo u muuqday in ay sii kordhayaan sababo la xiriira waddooyinka oo ah kuwa aan dhismo iyo dayactie helin muddo dhowr sanadood ah.