Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay Qarax Khasaaro geystay.
Qaraxaas oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa waxaa uu haleelay Mooto nooca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda ama Feykoon oo ay la socdeen saddex ruux oo shacab ah, isla markaana waxaa uu qaraxaas u qabsaday xili ay marayeen deegaanka Muuri ee Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen saddexdii ruux ee la socotay Mootada, kuwaasi kusii jeeday Degmada Afgooye.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in xiliga qaraxa uu ka dhacayay kahor wadada uu maray gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Soomaaliya, hayeeshee uu qaraxaas qabsaday Mootada.
Sidoo kale Ciidankii la socday Gaariga ayaa waxaa la sheegay inay fureen rasaas badan, qaraxa kadib, welina lama oga Khasaaro ay geysatay rasaastaas.
Inta badan Wadada u dhexeeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha ayaa xiliyada qaar waxaa qaraxyo Miino ah lagula eegtaa gaadiidlka ay la socdaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.