Booliiska dalka India ayaa toogtay laba qof oo mudaaharaadayey, waxaana ay xabsiga dhigeen in ka badan 130 qof oo kale kuwaasi oo la xiray xilli uu socday isu soo bax looga soo horjeeday hadal dhowaan ka soo yeeray xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada haya oo aflagaado xambaarsanaa oo laga sheegay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Carada ayaa tan iyo todobaadkii hore hareysay dunida Muslimka ka dib markii afhayeenka xisbiga RaΓ’β¬β’iisul Wasaare Narendra Modi ay dood ka baxaysay Telefeshinka ugu gaftay Nabi Muxammad (NNKH).
Muslimiinta ayaa salaadii Jimcaha ka dib isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka dalka India iyo dalalka deriska ah si ay u canbaareeyaan hadalladaasi gefka ahaa, iyadoo booliisku ay rasaas ku fureen bannaanbaxayaal ku sugnaa magaalada bariga dalkaasi ee Ranchi.
Maamulka ayaa jaray xiriirkii internet-ka ee magaalada islamrkaana bandaw ku soo rogay, iyadoo Shabnam Ara oo ka mid ah dadka deegaanka uu u sheegay AFP in jawigu uu wali yahay mid kacsan Sabtida maanta ah.