Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Biyaha Wabiga Shabeelle xalay uu qaaday dhalinyaro badan.
Lix ruux oo dhalinyarado ah ayaa la xaqiijiyay in Biyaha Wabiga Shabeelle ay ku qaadeen Baladweyne xili uu la soo jabay Geed ay ka fuuleen fatahaada ka jirta halkaas.
Dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dhalinyarada uu qaaday Wabiga ay ahaayeen kuwa aan aqoon sida loo dabaasho, isla markaana ay fuuleen Geed, hayeeshee markii dambe uu la jabay, sidaasina uu ku qaaday Webiga.
Sidoo kale waxaa socda gurmad xoogan oo lagu baadi gaabyo 6-da ruux iyo qaar kamid dadkii shalay Doonta kula degtay biyaha Wabiga, kuwaasi oo lagu raadinayo doomo, waxaana baadi goobkaas uu ka socdaa inta u dhexeeysa Baladweyne iyo deegaanka Ceel-Jaalle.
Gurmadka baadi goobka dadkaas ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaarado nooca helicopter-ka, kuwaasi oo dul heehaabaya Wabiga dushiisa, waxaana dadaal loogu jiraa sidii loo soo badbaadin lahaa dadka weli lagu la’yahay Wabiga Shabeelle.