Xalay Saqdii dhexe ayaa rag hubeysan waxa ay rasaas ku fureen goob ay isugu yimaadaan dad Soomaali u badan oo ku taalla Magaalada Toronto ee dalka Kanada.
Rasaaataas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ilaa laba ruux oo uu mid ka mid ah ahaa Soomaali kaas oo lagu Magacaabi jiray Nasrudiin Naasir halka labada kale ee dhaawacantay uu mid ka mid ah ahaa Soomaali.
Majirto cid sheegatay Masuuliyada dilkaas,iyada oo aysan jirin cid loo soo qabtay,waxaana Suxufi degan dalkaasi Kanada uu sheegay Ninka Soomaaliga ah ee geeriyooday ay Dhashay Haweeney Ganacsato Caanka ah Magaalada Toronto.
Booliiska Kanada ayaa waxa uu wadaa baaritaano ku Aadan sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay dilka dadkaasi Soomaalida ay ku jiraan ee la rasaaseeyay.
Sikastaba dalka Kanada ayaa waxaa ku soo batay dilalka Soomaalida,iyada oo muwaadinkii ugu dambeeyay ee Sanadkii tegay ee 2017 la dilay uu ahaa Cabduqaadir Biixi.