Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab ka kacay degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaan in uu jiro khasaare baahsan oo dabkaasi uu gaysatay.
Dabka ayaa sida la sheegay waxaa uu ka kacay Kaalin shidaal oo halkaas ku taallay, waxaana dhawaacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah, inta la xaqjjiyay in 9 ruux ay ku dhaawacmeen dabkaasi.
Gurmad iyo dadaalo aysameeyeen maamulka Magaalada iyo dadka degaanka, waxaana lagu guulaysatay in la damiyo, wallow uu jiro khasaare xooggan oo soo gaaray hanitidii goobtaas taallay.
Waxaa magaalada gaaaray mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu ugu horreeyo guddomiyaha Magaalada Kalkacyo.