Faah faahino ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo barqanimadii Maanta ka kacay Guryo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro.
Dabkaan oo markii horey ka bilowady Guri ka dhisnaa Jiingad oo ku yaalla Xaafad isku raran ah oo ku taalla Isgoyska Siinaay dhinaca xigta Warta-Nabadda ayaa kusii faafay Guryo kale oo ku deganaa Guriga hore.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Dabka uu ahaa mid xoogan oo socday muddo, hayeeshee markii dambe gurmad lagu deminayo dabkaas ay bilaabeen dadka deegaanka, isla markaana halkaas ay gaareen gaadiidka dab demiska Gobolka Banaadir.
Intaas kadib waxaa lagu guuleystay deminta dabkii kacay oo baabi’iyay Afar Guri oo ay degaaneen dad shacab ah, waxaana Sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayeen Guryaha oo gabi ahaan burburay, kuwaasi oo ka dhisnaa Jiingado.
Ma jiro wax Khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay dabkii Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir, balse uu jiro oo kaliya khasaaro hantiiyadeed oo farabadan, waxaaana dabkaas uu ka dhashay koronto.