Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo saakay ka dhacay Suuq ku yaalla xaafad ka tirsan degmada kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan.
Dabkaas ayaa ka dhacay Suuqa ku yaalla xaafadda Galmudug dhinaca xigta kaxda, waxaana dad goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan u sheegeen in dabkaas uu ahaa mid xoogan oo socday muddo ku dhow saacad.
Gaadiidka Dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa dadaadlo kala duwan oo ay sameeyeen markii dambe ku guuleystay inay demiyaan dabkii ka kacay Suuqa Galmudug.
Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabka uu baabi’iyay inta badan Suuqa Galmudug, isla markaana Dabaka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo badan.
Lama soo werin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkii kacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in markii horey dabkaas uu ka bilowday dukaan yar oo ku yaalla Suuqa oo markii dambe sababay inuu Dabka kusii faafo goobo hor leh.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay soo saaray xeer looga hortegayo Dabka xiliyada qaarkood ka kaca Magaalada Muqdisho, waxaana dhammaan Ganacsatada lagu amray inay qaatan qalabka looga hortegayo Dabka oo geysta khasaaro kala duwan..