dab xooggan ayaa ka kacay Guri ku yaalla Degamada yaaqshid ee Gobolkani Bnaaadir, waxaana wararku ay sheegayaan khasaare kala duwan uu ka dhashay dabkaas kacay.
Sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal ku sugan halka uu dabka ka kacay ayaa waxaa dabku uu qabsaday guri ku yaalla xaafadda Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshid ee Gobolkani Banaadir, dabka oo ahaaa mid xooggan ayaa waxaa ka dhashay khsaare balse ma cadda ilaa iyo hadda wax yeelada rasmiga ah ee ka dhalatay dabkaas.
Waxaa wararku ay sheegayaan in dabku uu ka dhashay Koronto sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Waxaana la sheegay in dabka ay ku dhaawacmeen laba cariir ah oo sida la sheegay loola cararay goobajha caafimaadka eek a ag dhaw halka uu dabku ka kacay.
Maal mihii u danbeeyay waxaa soo badanayay dabka ka kacaya guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana tiro dhawr jeer ah dab noocaan oo kale ah uu ka kacay guryo ku yaalla degmooyinka Gobolkani Banaadir, iyadoo inta badan ay sababaan koranto.