Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa Hir-Shabeelle.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Axmed Barre,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaank Hirshabeelle.
Magaalada jowhar ayaa waxaa Maalmahaan ka taagneed xiisad u dhaxeysay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hir-ShabeelleSheekh Cismaan Axmed Barre, taas oo ugu dambeen keentay in ay Shaqa joojin ku sameeyaan.
Waxaa lagu wadaa in goordhow saxaafada uu la hadlo Madaxweyne Cosoble iyadoo dib ugu soo laabashada Madaxweynaha Hirshabeelle ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle isagoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Sawiro