Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Ayax badan oo dalka ku jira uu ku wajahan yahay  deegaano ka tirsan Gobolada dalka.
Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Ayaxa haatan laga cabsi qabo inuu ku dego dhul beereed badan oo ku yaalla Gobolada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Baay iyo Bakool.
Sidoo kale Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa waxaa uu tilmaamay in xiligan beeraha dalka laga filayo inay kasoo go’aan dalagyo badan, wuxuuna beeraleyda Alle uga baryay inuu ka badbaadiyo Xayawaanka Ayaxa.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu Culimada iyo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay sameeyaan isu soo bax duco ah, si Alle nooga dul qaado dhibaatada Ayaxa.
“baqdinta ugu weyn ee laga qabo Ayaxa waa inuu ku habsado dalaga soo go’aya iyo daaqa waxaan Culimaa,udiinka ka codsanayaa inay ku baaqaan isu soo bax duco ah” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Isaaq.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo todobaadyadii dambe Xayawaanka Ayaxa uu baabi’inayay dhul beereed badan oo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan, kuwaasi oo ku yaalla deegaano ka tirsan dalka.