Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Feferaalka Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa eedeyn xoogan u jeediyay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.
Isaga oo warbaahinta kula hadlay Axmed Cumar Garoonka kubada Cagta ee Injineer Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in saddexdii sano ah ee lasoo dhaafaya aysan jirin wax horumar ah oo Khadiijo Diiriye kusoo kordhisay Wasaaradda iyo Ciyaaraha dalka.
Sidoo kale Axmed Cumar ayaa waxaa uu Khadiijo Maxamed Diiriye ku eedeeyay inay lunsatay dhammaan lacagihii wasaaradda ee loogu talo-galay in wax loogu qabto dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Wasiirku 3-dii sano ee lasoo dhaafay ma jirto wax hormar ah oo wasaaradda ay kusoo kordhisay, Waxayna noo diiday dhamaanteen Agaasimayaashii iyo anigoo ah Wasiir ku xigeenkii inaan Sportiga Hormar ka sameyno” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.
Waxaa kaloo uu tilmaamay Wasiir ku-xigeenka in Khadiijo diiriye ay dhalinyrada ku baabi’isay in Madaxda ay Facebook ku amaanto, isla markaana ay arrintaas ku dooneyso in aan xilka looga qaadin.
“Haddii ay xasaanad xildhibaannimo xil wasiir ku heshay maahan inay dhallinyarada ku baabi’iso iyo in madaxda ay Facebook ay ku amaanto dalkana caddaalad adarro ku baabi’iso,Wasaaradduna ma ahan Wasaarad Siyaasadeed†ayuu sii raacisiiyay hadalkiisa Axmed Cumar Islow.
Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Feferaalka Soomaaliya  ayaa ugu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ugu baaqay inuu wax ka qabto Musuq-maasuqa xooggan oo ay wasiir Khadiija ku hayso Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Feferaalka.