WasiirkaΓΒ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa kulan wadatashi ah oo la xiriiray doorka culumada ee ku aadan dib u eegista ΓΒ dastuurka la qaatay qaar kamid ah Culumada Soomaaliyeed.
Γ’β¬ΕWaxaa inaga goΓ’β¬β’an in hanaanka dib u eegista Dastuurka uu waafaqo shareecada Islaamka, sidaa darted, waxa aan u baahannahay raΓ’β¬β’yigiina inaga oo xiriir dhow idin la yeelan doonnoΓ’β¬Β ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa dhamaan Culumada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhow u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay doorkooda aadka u muhiimka ah ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.
Γ’β¬ΕAnnaga 2012kii markii Dastuurka aan ka shaqeeyneynay waxaa la inagu dhaliilay in kulamo wadatashiyo ah oo badan aanan la qaban culumada laakiin xiligaan waxa aan ballanqaadeynaa in aan wadatashiyo ballaaran sameeyno Culumaduna ay helaan waqti badan oo ay uga qaybgalaan Geedi-socodkaΓ’β¬Β ayuu yiri Wasiirka.
Indhawaanahan wasaaradda Dastuurka ayaa watay wadatashiyo ku aadan dib u eegista dastuurka, waxaana kulamo gaar ah madaxda wasaaradu ay la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshad.