Waxaa maanta oo Khmiis ah  si rasmi ah maamulka dekeda Berbera ula wareegay DP World oo ah shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Berbera.
Madaxweynaha soomaaliland iyo madax ka socotay shirkadda Dp World ayaa ka qeybgalay xafladaasi oo maanta shaqadii dekada toos loogu wareejiyey Dp World oo maamulka Siilaanyo sanadkii hore la galay heshiis ay meel mariyeen wakiilada Soomaaliland.
Qaar ka mid ah madaxda soomaalida ayaa ka hortimid heshiiskaas, kuna tilmaamay in loo maray sifo qaldan, hayeeshee soomaaliland ayaa qaadatay go’aankaasi oo ay ku wareejiyeen howlihii dekada shirkad gaar ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
\