Waxaa maanta qarax miino ka bad baaday sarkaal katirsan ciidanka NISA, kaasi oo lagu magacaabo Ismaaciil Daahir.
Sarkaalka ayaa ku sugnaa degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Miino loogu xiray gaarigiisa, hayeeshee uu markii danbe ogaaday, kadib markii uu shaki ka qaaday taleefoon ku xirnaa Miinada oo soo dhacay.
Ismaaciil Daahir ayaa gaariga ka dagay, kuna war galiyey Saraakiisha Miino baarista,oo ku guuleystay inay
furaan Miinadaasi.
M duwan ee bulshada