Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowld goboleedka Galmudug Axmed geelle Ducale Xaaf ya Maanta dib ugu soo laabtay kadib safar dibad ah oo uu Maalmahaan ku maqnaa.
Madaxweyner Xaaf ayaa booqasho ku joogay Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, halkaas o uu horay u sheegay in uu u joogo arrimo Siyaasadeed.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Diyaaradii ka soo qaaday Magaalada Abuu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxa ay ku soo dejisay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera oo uu Gacanta ku hayo Imaaraadka.
Xiligii hore Madaxweyne Xaaf ayaa ka soo degi jiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho balse Maanta ayaa silama filaan ah waxa uu uga soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera isla markaana uu uga sii gudbay Magaalada Cadaado.
Cadaado ayaa waxaa lga dareemyaa xiisada Siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne ku xigeenk Galmudug iyo Madaxweyne Xaaf kadib markii uu sheegay in uusan kala tashan Xaaf taageeradii uu u muujiyay Xulufada Sacuudiga.
Hoos Ka Daawo Sawirrada