Qoyskaasi oo ka kooban 8 qof waxay bishan 25-dii ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay  dalka Kanada ka heleen Dib-u-dejin.
Qoyskaasi oo ka soo jeeda Somali Bantu ayaa waxay in ka badan 20 sanno Qaxooti ahaan ugu noolaayeen Xeradda Kakuma, iyadoo ay dhamaan carruurtooda ku dhasheen Xeradda Kakuma ee W/bari Kenya.
Carruurta qoyskaasi ayaa ka kooban 3 wiil iyo 3 gabdhood, kuwaasi oo  ay da’doodu u dhexeyso  4 jir ilaa 13-jir
Qoyska cusub  ayaa la sheegay in la dejiyey magaalladda Kentville ee dalka Kanada, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku qaabilay xubin ka tirsan Hay’adda CARS oolagu magacaabo Anne Van Arragon Huten.
Dhinaca kale, Kooxda CARS oo ay asaaseen Kaniisado ku yaalla dalka Kanada ayaa inta badan waxay taageero u fidiyaan, isla markaana safarkooda u fududeeyaan Qaxootiga Shisheeyaha ee deganaanshaha ka hela dalkaasi .
©Radio Dalsan