Maamulka Puntland ayaa maanta markii ugu horeysay waxa ku dhawaaqay in deegaanada maamulka Soomaaliland ay kala soo baxayaan Ardayda waxka barata ee ka soo jeeda Maamulka Puntland.
Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel,oo Warbaahinta Maanta kula hadlayey Magalada Garoowe ayaa sheegay in Ardaydaay sababta loo soo celinayo ay tahay in ay u hanjabeen masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland.
Waxa uu sheegay in deegaanada Soomaaliland ay waxka bartaan 900 oo Arday oo ka soo jeeda Puntland,iyaga oo waxka barta Magaalooyinka Hargeysa,Burco iyo Boorama,Iminkana ay qorsheynayaan in deegaanada Puntland la geeto.
Sikastaba eedeyntaan uga ka timid Madaxtooyada Puntland Maamulka Soomaaliland weli dhankooda wax jawaab ah kama bixin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka madaxtooyada Puntland.