Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in 63 qof ay gudaha Magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Cudurka halista ah ee Coronavirus, hayeeshee arrintaas ayaa ka hadashay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.
Dr C/rasaaq Jalaaluldiin oo ah hoggaanka nidaaminta tayada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda oo la hadlay warbaahinta Dalsan ayaa waxaa uu beeniyay wararka la faafiyay ee sheegayay in 63 qof ay ay Coronavirus ugu geeriyoodeen Muqdisho, isagoona tilmaamay in waxba uusan ka jirin Warkaas.
Waxaa uu sheegay Dr C/rasaaq Jalaaluldiin in Wasaaradda Caafimaadka dowladda ay dad u dirtay  meelaha ugu weyn ee dadka lagu aaso ee ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo xog-wareysi la yeeshay dad ay dadkooda dhinteen, iyagoona u sheegay in aysan jirin dad u dhintay Cudurka Coronavirus.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ay iyaguna sameeyeen baaritaano kala duwan oo ku aadan Warka la faafiyay, hayeeshee uu warkaas noqday mid abuur ah oo la doonayo in Bulshada lagu jahwareeriyo.
Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 7 ruux oo ku sugan dalka Soomaaliya laga helay Cudurka Coronavirus, isla markaana ay ku kalantiilan yihiin Xarumo gaar ah oo loogu talagalay.
Hoos ka Daawo Muuqaalka Dr C/rasaaq Jalaaluldiin.