Shalay Gelinkii dambe ayaa wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo waxa ay u ambabaxeen dalka turkiga halkaas oo lagu wado in Arbacada Berito ah uu ka furmo shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka.
Shirkaas ayaa ah mid deg deg ah kaas oo intiisa badan diirada lagu saari doono xaalada ku soo korortay Magaalada Barakeysan ee Quddus.
Hadaba Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxmed Axmed ayaa Warbaahinta u faah faahiyay qodobada shirkaas looga hadli doono iyo ka qeybgalaka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.â€
Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.â€
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Afhayeenka Madaxtooyada