Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Mariam Nabatanzi ayaa la sheegay inay hal nin  u dhashay 44 carruur ah, iyadoo 6 kalena ka geeriyootay.
Mariam Nabatanzi oo ka soo jeeda Tuulladda Kabimbiri ee dalka Uganda waxay carruurtaasi u dhashay  Mataanayaal labo-labo ahaa, kuwo saddex-saddex u dhashay iyo Mataanayaal afar afar ah iyo tiro ay hal hal u dhashay.
Haweeneydaasi waxaa la guursaday iyadoo da’deeda ka yar tahay 12-jir, kadib, markii ay ka badbaaday cunto loogu daray dhalo la shiiday.
Sida la sheegay xaas uu qabay Aabaheeda ayaa la sheegay inay falkaasi ka dambeysay.
Waxaa guursaday nin 40-jir ah sannadkii 1993-kii, kaasi oo ay u dhashay 44 carruur ah.
Waxay markii ugu horreysay ku curatay labo mataano, labo sanno kadibna waxay dhashay mataano saddex ah, bilooyin kadibna waxay dhashay mataano afar ah !!!
Haweeneydaasi waxaa la sheeegay markii ay haysatay 18-carruur  inay Dhakhtar u tegtay, si ay isaga joojiso dhasha, balse, Dhakhtarka waxa uu ku waaniyey inaysan qaadanin Kaniiniga joojiya Dhasha.
Waxa uu si cad ugu sheegay haddii ay Kaniinigaasi isticmasho inay geeriyoon doonto, wuxuuna sabab uga dhigay in Ugxaanteeda Bacriminta ee tirada badan ay sababi karto inay u dhiman karto.
Waxa uu Dhakhtarku sheegay in xilliga bacriminta inay ugxaan badan sii daynayso, taasi oo keenaysa inay dhasho ilmo mataanayaal 2-4 ah halkii mar o oay Uur qaado.
Si kastaba ha ahaatee, Sayga ay 44-ta carruur u dhashay waxaa la sheegay inuu iyada ka tegay, kadib, markii uu xaas kale guursaday.
Halkan ka daawo Muuqaalka:Â Â