Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta kormeer ku tegay Suuqa Magaalada Baladweyne si uu u hubiyo in uu hirgalay go’aankii ku saabsanaa qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga.
Cali jeyte ayaa hubiyay in Ganacsatada qaar ay qaadanayaan lacagta Shilinka Soomaaliga oo bilihii u dambeeyay ay dhibaato ku qabeen Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne.
Hadal kooban uu siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu uga digay ganacsatada in ay diidaan lacagta Shilinka Soomaaliga.
Gudoomiyaha ayaa amray Ciidamada Amniga in ay soo xiraan cid alaala cidii diida lacagta Shilinka Soomaaliga.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili maalma ka hor Ganacsatada Magaalada Baladweyne ay sameysteen Gudi loo xilsaaray socodsiinta lacagta Shlinka Soomaaliga.
Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.