Waxaa dalka Jabuuti Goordhow Maanta oo Axad ah heshiis hordhac ah ku gaaray Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca oo dalkaas ku shirsanaa.
Heshiiskaan oo aan weli sirasmi ah qodobadii la isku afgartay aan la soo bandhigin ayaa hadana Masuuliyiinta labada dhinac waxa ay sheegeen in ay Soomaaliya ku dhameystiri doonaan.
Madaxweyne Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay Gogosha Nabadeed oo ay dhex dhigeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca.
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu rajeynayo in heshiiskaan uu noqdo kii ugu dambeeyay oo ay isku raacaan Madaxda labada dhinac ayna ku midoobaan Galmudug.
Hoos Ka Daawo heshiiska labada dhinac iyo Masuuliyiinta hadlay.