Rag u muuqday inay yihiin Somali ka tirsan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan magaalladda Sirta ee Bartamaha Libya ayaa soo diray Farriin Muuqaal ah oo ay kula hadlayaan xubnaha taageeray Daacish ee ku sugan Somalia iyo weliba Xarakadda Alshabaab.
Muuqaalka Video-ga oo Cinwaan looga dhigay: “Farriin ku socota Walaalaheena ku sugan gudaha Somalia†ayaa lagu soo duubay Luqadaha Soomaaliga iyo Englishka, waxaana dadka Soomaalida loogu baaqay  inay ku biiraan Tiradda Yar ee Kooxda Daacish ee ka go’ay Alshabaab, waa sida hadalka loo yiri.
Dagaalyahanka ku hadlay Luqadda Englishka oo magaciisa ku soo koobay Sayfaldiin Alsoomaali waxa uu yiri:- “Mujaahidiinta ku sugan Somalia, Mujaahidiinta Taageeradda siiyey Dowladda islaamka ee Daacish, waxaan idin leenahay Hambalyo, Ilaahay dartiisa ayaan idiin jecel nahayâ€.
Ninka Farriinta soo duubay o oku hadlayey English Fasiix ah waxa uu ugu baaqay xubnaha taageeray Daacish inay had iyo jeer noqdoon kuwo xoog leh, oo aqoonsada inuu Rabbi la jiro.
Sayfaldiin Alsoomaali waxa kaloo uu la hadlay Mujaahidiinta Alshabaab, oo uu ku booriyey inay ku soo biiraan Daacish, isagoo sheegay inay ka haraan Hoggaamiyayaashooda aan Caaqilka ahayn, waa sida uu hadalka u yrii.
Dagaalyahanka kale oo magaciisa ku soo koobay Abu Qudaamah Alsomali ayaa isagana Farriintaasi ku baahiyey Luqadda Soomaaliga.
Muuqaalka Video-ga ee ay Kooxda Daacish maanta baahiyeen waxaa ka muuqda 10 nin oo u muuqaal eg Soomaali, kuwaasi oo hoos fadhiya geed weyn oo ku yaalla magaalladda Sirta ee Bartamaha dalka Libya.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Kooxda Daacish soo diraan Muuqaal Video ah oo ay ugu baaqaan Xarakadda Alshabaab inay ka soo go’aan Ururka Alqaacida.
Dhowr bilood ka hor, Koox yar oo ka tirsanayd Alshabaab ayaa soo saaray Muuqaal Video oo ay ku sheegteen inay ku biireen Kooxda Daacish, inkastoo ay Hoggaamiyayaasha Alshabaab ku hanjabeen inay surka ka goyn doonaan qofkii ay ku helaan inuu ku biiray Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi.
Xigasho: Daily Mail
©Radio DalsanÂ