Hadal ka soo baxay Dagaalamayaasha Xorreynta ROHIMGYA (ARSA) ayaa lagu sheegay inay joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Milliteriga Dowladda Mayanmar, si ay Kooxaha Samafalka gargaar u gaarsiiyaan dadka ROHINGYA ee ku nool Gobalka Rakhina ee dalkaasi.
Dagaalamayaasha waxay ugu baaqeen Milliteriga Mayanmar inay dhowraan Xabbad-joojinta KMG, isla markaana iska dhigaan Hubkooda.
Kooxda Mukhaawamadda ARSA waxay bishii hore weerareen 30 Baro Bolis iyo Saldhigyo Milliteri oo ay joogeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Mayanmar.
Ku-dhawaad 300,000 oo Qaxootiga ROHINGYA ayaa ka cararay dagaalkii ka dhacay Gobalka Rakhine, iyagoo magan-galay dalka Bangaladesh