Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho ayaa shaaciyay sababta keentay in Arday ku dhow 8 kun ay ku dhacaan Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare ee dalka oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in Arday Soomaaliyeed ay xiligaan hestaan dhibaatooyin kala duwan, isla markaana Ardayda Gobolka Banaadir iyo kuwo kalena ay ku mashquulsan yihiin aalada Tik-tok iyo tabuukada loo yaqaano Taabuuga.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka inay jiraan Arday farabadan oo dooneysa in Caasimadda dalka ee Magalaada Muqdisho ka dhigaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Natiijada Imtixaankii ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, hayeeshee ay tallaabadaas ka hortageen.
“Xaqiiqu waxaa ay tahay in aysan ka war heyn ubadkeen waxaa ay ku mashquulsan yihiin, waxaa lagu mashquulay TIKTOK iyo TAABUU, qof kasta oo labadaas uga mashuulay waxbarashada waxaa uu dhaxlayaa Natiijo hooseeysa†ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Si kastaba hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Imtixaankii ay qaaday Dowladda ay ku dhaceen 8,550 arday (90%)Â ay kamid yihiin Ardaydii Gobolka Banaadir, waxaana arrintaas walaac ka muujiyay siyaasiyiin iyo waalidiinta Ardayda.