Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa sheegay in qaar kamid waddooyinka ku yaalla Caasimadda oo dib u dhis lagu sameeyay ay yihiin kuwo xiligaan ka liita sidii horey ay ahaayeen.
Cumar Finish ayaa tilmaamay in waddooyin ay kamid yihiin Buundooyinka ee Waaberi iyo mida shaqaalaha haatan ay yihiin kuwo burbursan, isla markaana lagu sameeyay dib u dhis, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Company-yadii dhisay markii horey.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka ayaa shacabka degan degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin burburka wadada Buundooyinka, kadib markii aysan ka qeyb qaadan kaalintii kaga aadaneyd horumarinta wadadaas.
Isaga oo sii hadlaayay Duqa Muqdisho ayuu dadka kunool Xamar-jajab iyo Shingaani kula dardaarmay inay xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda wadada, xili Maanta uu Guddoomiyaha xariga uu ka jaray waddo laami ah oo isku xirta degmooyinkaas.
Munaasabadda xarig jarka wadada Cusub oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaal, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labadaas degmo.
Waddooyin ku yaalla Caasimadda ayaa xiligaan waxaa ku socda dib u dhis ballaaran oo lagu sameeynayo, waxaana la xusi karaa wadada ka timaada Isgoyska Towfiiq ee tegta Isgoyska Maana-booliyo oo uu ku socdo dib u dhis, maadaama ay burbursan yihiin.