Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo Ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay inay xaalad caafimaad darro ah oo baahsan ay ka dhalatay abaarta ka jirta dalka, isaga oo sheegay in loo baahanyahay in gurmad dhan waliba ah la gaarsiiyo bulshada uu soo ritay xanuunada ka dhalatay abaarta.
Dr Dufle oo u warmay Radio Dalsan ayaa  tilmaamay in abaarta ay keentay cuduro badan oo halis ah, bulshadana looga baahanyahay inay qaadato talooyinka dhaqaatiirta oo ay ka fogaadaan waxkasta oo keeni kara cudurada faafa.
Dbinaca kale Dufle oo Ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in bulshada dhexdooda ay isu gurmadaan oo ay is caawiyaan si looga hortago dadka la xanuunsan cudurada ka dhashay abaarta.
Dr Dufle ayaa ka mid ah dhaqaatiirta dalka ka shaqeyneysa mudadi 25 sano ee u dambeysay .