Madaxweynahii Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Maanta safar aan horay loosii shaacin waxa uu ku tegay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,waxa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay fowdo ku sameysay.
Waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeyay Hay’addaha kala duwanbee Hir-Shabeelle ay Baladweyne ku Shaqeyn doonaan.
“Anaga dowladda dhexe ayaan uga Shaqeyn weynay Jowhar oo nasoo faragelisay,waxana Go’aan sanay in aan isaga soo guurno Jowhar,waxana ku Shaqeyn doonaa Baladweyne Wasiirada iyo Xildhibaanadana halkan ayay imaan doonaan ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.
Lama oga talaabada xigta uu qaadi doono Cali Cabdullaahi Cosoble iyo jawaaabta ay dowladda Soomaaliya ka bixin doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.