Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle islamarkaana ay xildhibaanada Maamulkaas ay xilkii ka qaadeen ayaa sheegay in ay ku lug laheyd dowladda Soomaaliya.
Cosoble oo Jowhar Waraabhinta kula hadlayay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in mowjadaha siyaasadeed ee ka jira Hir-Shabeelle ay masuul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya,oo maalmahaan uu khilaaf kala dhaxeeyay.
Waxa uu sheegay in arintaan ay salka ku heyso arinta Wadamada Khaliijka kadib markii isaga uu taageeray xulufada Sacuudiga,taas oo uu u arkay danta Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin khilaafka ka dhexjira Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle marka laga reebo Xildhibaanada Federaalka gaar ahaan kuwa laga soo doortay Hir-Shabeelle oo taageeray xilka qaadistaas.