Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke†ayaa waxa uu shalay ka soo hor muuqday Maxkamad kutaalla magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, isagoo wajahaya Eedeymo ku aadan inuu jir-dil iyo dil geystay muddadii uu Taliyaha ka ahaa Ciiddankii ku sugnaa Gobalka W/Glabeed ee Somalia sannadihii 1980-aadkii.
Garsoore rayid ah ayaa waxay furtay Dhegeysiga dacwadaha ka dhan Kolonel Yuusuf Tuke, oo uu ku soo oogay Nin Soomaali ah oo sheegtay inuu Taliyuhu toogtay, isla markaana uu mayd ahaan uga tegay, isla markaana uu badbaaday, kadib, markii uu Ciiddanka siiyey laalush, si aysan isaga u aasin, waa sida uu hadalka u dhigay.
Qareen Ben Klein oo u doodayey Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa ayaa sheegay in Dhibanaha iyo dhallinyaro kale lagu xiray Degmadda Gabiley bishii December ee sannadkii 1987-kii, si wax looga weydiiyo Gaari Booyadle Biyo ah oo laga xaday Ciiddanka.
Dhinaca kale, Qareen Joseph Peter Drennan oo u doodayey Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke†ayaa sheegay inuu Sarkaalku ahaa Askar Khibrad leh oo tababar Milliteriga ku qaatay gudaha dalka Maraykanka.
Qareenku waxa uu Garsoorka Maxkamadda u sheegay inuusan wax dood ah ka qabin jir-dilka loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, balse uusan jir-dilka kala kulmin gacmaha Sarkaalka Kolonel Tuke.
Qareenka waxa uu sheegay inuu halkan ka jiro Ajendo qarsoon, inkastoo uusan faahfaahin dulucda Ajendaha qarsoodiga ah.
Dhinaca kale, Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke†ayaa la filayaa inuu caddaymo ka bixiyo Is-difaacisia maalmaha ay Dacwadaasi ka socoto Maxkamadda Heerka Degmo ee magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.