Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ku geeriyooday mid kamid ahaa Ciyaaryahanadii kubbadda Koleyga dalka Soomaaliya, kaasi oo weyn loo yaqaanay.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Eng. Baana Cali, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Ingiriiska, iyadoona ugu dambeyn uu u geeriyooday.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Khadija Maxamed Diiriye ayaa tacsiyeeysay geerida ku timid Ciyaaryahanii kubbadda Koleyga dalka Soomaaliya.
“Aniga oo ku hadlayo magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliya waxaan ummada Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa geeriddii naxdinta laheyd ee ku timid halyeeygaasi qaran, Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay. Allaha ha ugu deeqo mid ka mid jannooyinkiisa, kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo Aamiin Aamiin†ayay tiri Khadija Diiriye.