Golaha Wasiiradda ee dalka Jarmalka ayaa ansixiyey qorshe xilliga loogu kordhiyey Ciiddankooda ka jooga meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.
Afhayeenka Xukuumadda Jarmalka, Steffen Seibert ayaa tilmaamay inay Ciiddanka Jarmalka sii joogi doonaan Xeebaha Somalia tan iyo inta laga gaarayo bisha May 31-da ee sannadka 2017-ka.
Barlamaanka Jarmalka ayaa la filayaa inay ansixiyaan Xilli-kordhintaasi, iyadoo Ciiddanka Jarmalka u joogaan Xeebaha Somalia Hawlgalka Caalamiga ee  Ciiddanka Badda ee dalalka Midowga Europe ee loogu talagalay inay kula dagaalamaan Kooxaha Burcad-baddeeda afduubka u geysata Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska ee isticmaala Baddaha Somalia.
Dhinaca kale, Ciiddanka Jarmalka oo tan iyo sannadkii 2008-dii joogtay Xeebaha Somalia ayaa la qorsheynayaa in sannadka soo socda la dhimo tiradooda, oo haatan dhan 650-Askari.
Waxaana lagu soo koobi doono 600 Askari, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA.
@Radio Dalsan