Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay dileen ugu yaraan 28 qof, kuwaasi oo Bannaanbax mar-la-arag ah ka dhigay caasimadda dalkaasi ee Asmara.
Qoraal ay Kooxda Mucaaradka Cafarta ee dalkaasi soo dhigeen Bartooda Facebook ayey ku sheegeen in Kacdoonkaasi lagu dilay 28 qof, laguna dhaawaxay 100-kale.
Waxayna ugu baaqeen Beesha Caalamka iyo Ururadda Xuquuqda Aadanaha in Sharciga la hor keeno kuwa ka dambeeyey dilka Dibadbaxayaashaasi.
Dibadbaxan oo dhacay maalintii Talaadada ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Eritrea ku amartay Dugsiyadda Islaamiga inay Gabdhaha ka mamnuucaan Indha-shareerka iyo in la joojiyo Waxbarashadda Diinta Islaamka.
Dibabaxa ayaa la sheegay inuu ka bilowday Xaafadda AKRIYA oo uu ku yaallo Dugsi Islaami ah oo ay dhigtaan 3-kun oo Arday.