Wakaalladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa baahisay in Ciiddanka Dowladda Yemen oo ay Isbahaysiga Sacuudiga taageerayeen la wareegeen magaalladaasi oo kaabiga ku haysa Badda Cas.
Maleeshiyo ka tirsan kuwa Xuutiyiinta ayaa la sheegay in lagu dilay ama Maxaabiis ahaan loogu qabtay muddadii uu dagaalkaasi socday.
Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey in Maleeshiyadda Xuutiyiinta lagala wareegay magaalladaasi oo ay haysteen tan iyo sannadkii 2015-kii.
©Radio Dalsan