Kooxaha La-socda Colaada dalkaasi ayaa sheegay in ay Kooxaha wax iska caabinta saakayto weerar ku qaadeen Degmadda Jobar ee cirifka Bari ee magaalladda Dimishiq.
Degmadda la weeraray ayaa u dhexeysa Dimishiq iyo Deegaanka Bariga Guuta o oay Maleeshiyadda ku xooggan yihiin.
Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda waxay saakayto duqeeyeen Deegaanka jobar, halka ay Maleeshiyadana Hoobiyayaal ku gareeceen Deegaanadda Babn Tuuma, Ruknal-diin iyo Cabaasiyiin oo ku dhow Dimishiq.
Telefishinka Dowladda ayaa sheegay inay Ciiddanka iska caabiyeen weerar ay Maleeshiyadda ku soo qaadeen Deegaanka Jobar.
Goobjoogayaal ku sugan Dimishiq ayaa sheegay  inay saakayto maqlayeen Dayanka Madaafiicda io rasaasta  ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.
©Radio Dalsan
Â